Welwel lasoo dersey waalidiinta reer London!

0

(London) 12 Juun 2018 – Magaalada london ee xarunta Britian ayaa noqotay meel aanay si nabad ah ugu laafyoon karin dhalinyarada yaryar oo uu haatan waalidku ka welwelo nabad ku soo noqoshada caruurta dugsiyada sare.

Sida ay sheegeen baliiska shantii bilood ee ugu danbeysay waxaa magaalada lagu dilay76 qof oo badankooda ka yar 20 jir. 16 ka mid ah dilalka ayaa waxaa loo adeegsaday rasaas halka inta kalana ableey loo isticmaalay.

Ilaa shan dhalinyaro oo soomaali ah ayaa ka mid ah dadka ku naf waayay shaqaaqooyinka ka dhaca wadooyinka london sanadkan oo kaliya london ayaa iminka ka horeysa Newyork marka la eego dilalka shantii bil ee ugu danbeysay.

Falalka qaarijinta ah ee ka dhaca London ayaa lala xiriiriyaa kooxaha gangiska ama fara laga qaadka ah ee daroogada iibiya kuwaas oo u dagaalama hab xaafad xaafad u abaabulan.

Mohamed Dhoore

 

Hadalsame Media