Soomaaliya oo gashay heshiis muhiim ah……Sii Akhari.

0

(Muqdisho) 12 Juun 2018 – Xukuumadda dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa qalinka ku duugtay heshiis loo arko waqtigaan inuu yahay mid muhiim ah. Heshiiskaan oo lagu saxiixay Isniintii Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku baxaya qarash gaaraya $40 milyan oo doolar.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan, halka dhinaca kale uu isna saxiixa qeyb ka ahaa Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya.

Labada Masuul ayaa heshiiskaan ku saxiixay Magaaladda Muqdisho, waxaana la sheegay in looga gol leeyahay sidii loo hormarin lahaa dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee labada heer, dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Munaasabada Heshiiska waxaa sidoo kale marqaati  ka ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday dowladda federaalka iyo dowlad Gobaleedyada.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments