Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt oo ugu dambeyn jacaylkooda bannaanka soo dhigay!

0

(Mumbai) 12 Juun 2018 – Badanaa waxaa dhacda in xiriir hoose ay yeeshaan aktarada filimada matalaya. Balse ugu dambeyn waxaa soo shaac baxa xiriirkii in mudada la qarinayay.

Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt oo ah jiilka cusub ee filimada Bollywood-ka matala ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday xiriirkii ay ka dhexeeyay.

Radbir oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu xiriir kala dhexeeyo Alia Bhatt ayaa yiri “xaqiiqdi wuu cusub yahay (xiriirka), ma rabo inaan ka hor dhoco.”

Jilaagaan ayaa horay xiriir lasoo sameeyay actarada caanka ah ee Karina Kaif. Badana aktarada da’yarta ah ayaa sameeyo xiriiro dhowr ah.

Ugu dambeyn malaga yaabaa in labadaan jilaa ay nolosha wadaagaan, mise sidii hore fashil ayuu ku dhamaan doonaa.

Mohamed Ahmed Sheikh

 

Hadalsame Media