TILLAABO TAARIIKHI AH: Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay manjahka cusub ee qaranka! + Sawirro

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay buugaag lagu qoray manhajka cusub ee dalka oo dib loo habeeyay, gaar ahaan buugaagta dugsiga hoose oo dhamaystiran min 1 ilaa 4-aad.

Waxaa xafladda kasoo qayb galay marti sharaf fara badan oo ay ka mid ahaayeen Guddoonka Aqalka Sare, Wasiirka Ganacsiga, xildhibaanno, Midowga Yurub, NGO’yo caalami ah, Dalladaha Waxbarashada maxalliga ah, madaxa culimada Soomaaliyeed iyo akhyaar kale.

Waxay Tillaabadani noqonaysaa tillaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dib u yagleelidda waxbarasho ku dhisan tusmo iyo hannaan qaran, maaddaama uu dalku muddadii burburka ahaa ku socday manaahij fara badan oo jaantaa rogan ah.

Hadalsame Media