Soomaaliya:Ciidamadda Mareykanka oo 50% la dhimayo iyo hoggaanka AMISOM oo ka walaacsan.

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Hawlgalka ciidamadda Midawga Afrika ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano AMISOM ayaa ka walaacsan isku-dayga Mareykanku ku doonaya inuu ku dhimo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in 50% ay dhimi doonto ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka qaata dagaalka ka dhanka waxa loogu yeero argagixisada caalamiga ah ee ururada Daacish iyo Al-qaacida.

Taliyeha ugu sareeya ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya Paul Lokech oo la hadlayey wargeyska Daily Beast ayaa sheegay in haddii Mareykanku ka dhabeeyo warkiisa ay taasi fursad siin doonto kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka xasilinooda Soomaaliya iyo guud ahaan nabadgalyada geeska iyo barriga Afrika.

Taliyuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in ka AMISOM ahaan ay aad kaga walaacsan yihiin haddii la yareeyo taageerada ciidan ee Mareykanku siiyo hawlgalka AMISOM iyo ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kordhiyey weerarka cirka ah ee uu ku beegsado Madaxyawenta kooxaha xagjirka sida Al-Shabaab.

Hadalsame Media