SOOMAALIYA: Afarta gobol ee wax heshay & afarta la helay (Qalinkii Yahya Amir)

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Dalku markuu xuriyadda qaatay , waxa uu ahaa 8 Gobal, intaan Kacaanku keenin Gobal Bararka ( inflation of Regions).

Gobaladaa oo kala ahaa 4ta waqooyiga xigta ee : 1-Waqooyi Galbeed ( Hargesa) .2- Togdheer ( Burco) .3- Waqooyi Barri-Majeertenya( Bossaaso). 4- Iyo Mudug ( Gaalkacyo), waa 4ta wax heshay.

Afarta Koofure ee la helay waa: 1- Hiran ( Baladweyn). 2-Banadir (Mogadishu) .3- Jubada Sare ( Baydhabo). 4- Jubada Hoose ( Kismayo).

Waxaa jiray Bulshooyin badan oo ka soo Guuray 4ta Gobal ee wax heshay kuna dul Habsaday 4 ta Gobal ee la helay, weli lama arag Bulsho ka guurtay 4ta koofure ee la helay una guurtay 4ta gobal ee waqooyiga ee wax heshay.( Is dhax galkii ayaa noqday 4ta gobal ee Koofure oo la isla leeyahay, iyo 4ta Gobal ee waqooyi oo aan la isla laheeyn).

Afartii la helay iyo 4tii wax heshay iyo 4 kale oo jafka ka timid ayaa Xamar ku sii wada dul habsaday. Nin waliba Guri ama Beer ayaan ku leeyahya ayuu ku doodayaa, Guriga iyo Beerta adoo wata miyaad timid, mise markaad ku habsatay ayaad wax qoota qooteeysay.

Afarta la helay, waa la dulmiyay waxaana la yiri: si fiican uma taqaaniin Af- somaliga, Suugaantiinu waa khaldan tahay, Taariikh hore iyo Dareen Halgan ma lihidiin, iyo Culumaa’u diinkiinu si wanaagsan wax uma yaqaan, Dhulkiinuna waa waqaf.( Nin walaalkii dulmiyay ma guuleeysto, isaguna col iyo calool yoow ayuu kuu qabaa,adiguna waad is ogtahay in aad dakano qabto, qurux ku noolaan meeysid).

Walaalayaaloow, dhibka ka jira dalka oo dhami amuu yahay reer ku habsade.walaala yaaloow aan is garano oo aan culeyska iyo dulmiga ka qaadno walaalaheena,sida aadan adiguba u jecleeyn in laguugu habsado ayuu isaguna u dhibsanayaa in lagu habsado.

FG: Haddii la yiraa haloo noqdo 8dii gobal,(( annigu Yaxya ahaan deegaanka aan ku dhashay una dhashay waxa uu ka mid yahay 4ta wax ku habsatay)), Diyaar ayaana u ahay in 4ta aan ku habsanay aan qoor sagaarada ka deeyno, waa huureen waana ku caburmeen shiirka shoqfosha iyo qoor sagaarada.

FG: Sideed u aragtaa arragtida 4ta wax heshay iyo 4ta la helay?. Waa iska arragti qofeed, cuqda ha is galin. Arragtidaada xor, wixii ka dhiman ku dar, wixii ka khaldanna ka sax, Arragtidaadu waa muhim. hadaan dhab loo hadlin, dhab loona heshiiyo.

Cinwaanka qoraalkaan, ee 4 iyo 4, waxaan ka soo qaatay doodii , uu soo jeediyay Saaxiibkeey Md. Xassan Farax Calasoow.

Qore: Yahya Amir

FG: Maqaalku ka tarjumi maayo aragtida Hadalsame Media ee waa ra’yiga uu xaqa u leeyahay qoraaga ku saxiixan.

Hadalsame Media