Hoggaamiyaha Chechnya oo lagu dhaliilay sawir uu la galay Mohamed Salah + Sawirro

0

(Grozny) 11 Juun 2018 – Qannaaska Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku lug yeeshay arrin muran siyaasadeed iyo mid anshax dhalisay kaddib markii uu sawir la galay hoggaamiyaha Chechen-ka ee Ramzan Kadyrov.

Sawirka Salah iyo hoggaamiye Kadyrov ayaa markiiba dhex xulay baraha bulshada, iyadoo uu sawirka ka muuqdo Kadyrov oo gacanta ku dheggan laacibka reer Masar.

Markiiba waxaa bilowday dood ku aaddan in Kadyrov uu laacibka caanka ah u adeegsadey iidheh iyo dacaayad siyaasadeed, si uu boorka uga jafo muuqaalka ay bulshadu ka haysato.

Dowladda Kadyrov ayaa lagu dhaliilaa inay ku kacdo falal badan oo ka baxsan bini aadminimada sida jirdil, dil aan sharci ahayn iyo waxyaabo kale, wuxuuna Salah ugu tegey hoteelka uu kaga nasanayo magaalada Grozny ee caasimadda Chechnya.

Hadalsame Media