Sweden oo la daala dhaceeysa dab ka baxaya keymo kuleyl dartiis la gubtay

0

(Stockholm) 10 Juun 2018 – Maalmihii ugu dambeeyey ayaa dalkaan Sweden, waxaa qeybo ka mid ah ka baxayey dab qabsaday keeymaha goboladda qaar, kuwaas oo la holcay dab la sheegay ineey sababeen kuleeylka daran ee maalmahan ka jiray.

Galabta gelinkii dambe ayaa waxaa hakad lugu sameeyey tareenadda u baxda goboladda dalka, kuwaas oo keeymaha holcaya ay sabab u yihiin. Deegaanka Edsvalla goboladda Värmland, waxaa mara tareen ka baxa caasimadda labaad hase ahaatee waaxda gaadiidka amreen in la hakiyo.

Bishii ina dhaaftay ee meey waxaa aheyd bishii ugu kuleyl ee muddo ku dhawaad boqol sanno ah. Dabka keeymahan ka kacay ayaa waxaa jira warar soo baxay oo sheegaya in haweeney ay si kutala gal ah keeymaha dab u qabadsiisay. Haweeneydan oo haatan boolisku xireen su,aalana laga weeydiinayo.

Hadalsame Media

 

Hadalsame