DEG DEG: Kim Jong-un oo kasoo degey Singapore + Sawirro

0

(Singapore) 10 Juun 2018 – Madaxwaynaha Woqooyiga Kuuriya ee Kim Jong-un iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo degey Singapore kahor kulanka taariikhiga ah ee uu la yeelan doono dhiggiisa Donald Trump.

Trump iyo Kim ayaa lagu wadaa inay Talaadada soo aaddan ku kulmaan hoteelka 5-ta xidigood ee Capella Hotel oo ku yaalla gasiiradda yar ee Sentosa oo mar saldhig u ahaan jirtey burcad badeed.

Laba hoggaamiye oo kala socda North Korea iyo Maraykanka oo rasmiyan cadow isu dhaarsan ahaa tan iyo Dagaalkii Korea, ayaan marna horay u kulmin – ama aan xita telefoon ku wada hadlin.

Kim yaa haatan kasoo degey garoonka Singapore ee Changi Airport isagoo saarnaa Air China, iyadoo amaan dartii laba duullimaad oo halkaa kusoo degi lahaa loo kansalay.

Waxaa markiiba meesha ka kexeeyay kolonyo ka kooban 20 gaari iyadoo la arkayay Limousine uu ka babanayo calanka North Korean oo muraayado madoow oo ay ku hareeraysan yihiin ilaalo ookiyaalo iyo suudad madoow, wuxuuna in yar kaddiba la kulmay Wasiirka Koowaad ee Singapore ee Lee Hsien Loong oo ku sugan madaxtooyada Istana.

Hadalsame Media