Trump oo Twitter-ka lagu karbaashey kaddib markii uu khalad u higaadiyay magaca Somalia!! (Jawaabo maad badan)

0

(La Malbaie) 09 Juun 2018 – Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka tacsiyeeyay askari Maraykan ah oo lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ee koonfur bari Somalia, waxaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay askar Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Trump oo bartiisa Twitter-ka wax kusoo qorey ayaa yiri ” Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyaal. ”

 

Yeelkeede, arrinta ugu xiisaha badan ee Twitter-kan ka oogantey ma aha dhacdada lafteeda, walaa tacsida Trump, balse waa sida uu u higaadiyay magaca Somalia oo uu u dhigay Somolia, iyadoo aad loogu karbaashey barta Twitter-ka.

Hoos ka eeg falcelinta dadwaynaha oo aad u saluugsan miisaanka Trump…

Hadalsame Media