SIR DHOWRAN: Taliyihii Sirdoonka Itoobiya oo la sheegay inaan 17 sano sawirkiisa la arag!

0

(Adis Abeba) 09 Juun 2018 – Wasiirka Koowaad ee cusub ee dalkaasi Itoobiya ayaa dhowaan wuxuu xilalka ka qaaday qaar ka mid ah taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidama qalabka sida ee dalkaasi, wax lagu sheegay isbedello uu ku sameeynayo hannaanka dalkaasi.

Yeelkeede, hal arrin ayay ka timid fal-celintii ugu yaabka badnayn waana mid khuseeysa ninka laga qaaday xilka taliyaha ciidamada Nabad-Sugidda Itoobiya oo uu 17 sano xukumayay Getachew Assefa oo haatan lagu bedeley jeneraal Muslim ah.

Mohammed Ademo oo ah weriye caan ah oo ka tirsan Al Jazeera qaybteeda Ameerika ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan: ”In ku dhow 17 sano, haddiiba aysan wada ahayn, Itoobiyaanku aqoonin sida uu u egyahay Getachew Assefa, oo ahaa madaxii sirdoonka dalka. Ma jirin sawirro shaac ah oo laga hayay. Ugu yaraan haatan waan naqaannaa sida uu u egyahay ninka bedeley – Gen. Adem Mohammed. Waayaha Abiy ha noqdeen kuwo daaf furan.”


Hadalsame Media