SIR LA XADAY: Shiinaha oo Maraykanka oo soo jeeda ka xaday xog muhim u ah Ciidamada Badda Maraykanka!

0

(Beijing) 09 Juun 2018 – Burcadda Internet-ka ayaa xog dhan 614 gigabyte oo ah sir culus oo uu leeyahay mashruuc ay wadaan ciidamada badda Maraykanka ka xadday qandaraasle, iyadoo la sheegayo inay xogtani tahay xasaasi uu ku jiro qorshe uu wado Pentagon oo gantaalaha guuxooda ka dheereeya ku saabsan.

Arrintan ayaa ka dhigan dhirbaaxo ceebeed oo wejiga uga dhacday Maraykanka oo wadey qorshe qarsoodi ah oo uu ku doonayo inuu noqdo awood lagama daba hadlaan ah oo dhanka badda ah, iyadoo ay Shiinaha isku hayaan jasiiradaha lagu muransan yahay ee South China Sea iyo waxa uu Maraykanku ka damacsan yahay sida ay qortay Washington Post.

Xogtan ayaa waxaa xaday wax lagu sheegay burcad-danabeed u shaqeeysa sirdoonka Shiinaha oo wada mashruuc la yiraahdo Sea Dragon, kaasoo looga gol leeyahay “in lagu helo xogo la xiriira tiknolojiyadaha casriga ah ee hubka loo adeegsado badaha.”

Xogaha la xaday waxaa ku jira ishaarooyinka soonaarka, xogo la xiriira raadiyayaasha gujisyada, kuwaasoo marka la isu geeyo Maraykanka ka caawinaya masaafada uu ka ogaan karo markabka dagaal ee Shiinays ah ee ugu dhow, iyadoon dhanka kale laga ogaanin.

Burcaddan oo hoos tagta Wasaaradda Amaanka Qaranka Shiinaha ayaa sidoo kale gacanta ku dhigtay maktabadda hormarineed ee doomaha quusa ee Maraykanka, taasoo ay ku jiraan barnaamijyo boqollaal ah oo makaanikaal ah iyo kuwo dijitaal ah oo ay adeegsadaan ciidamada badda Maraykanku.

Xogaha la xaday waxaa ka mid ah qorshe uu Maraykanku ku doonayo inuu gujisyadiisa ku xiro gantaalo guuxooda ka dheereeya oo markab dilayaal ah, sida ay sheegtay Washington Post.

Maraakiib dagaal iyo dayuurado ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Xoreeynta Shacabka China ee Chinese People’s Liberation Army (PLA) Navy oo dhoolla tus ka sameeynaya South China Sea, Abril 12, 2018 © Stringer / Reuters

Hadalsame Media