ISKA JIR: DAAWO….Xaddi badan oo sunta nukliyeerka ah oo laga helay caanaha lo’da dal Yurub ah!

0

(Chernobyl) 09 Juun 2018 – In ka badan 30 sanadood kaddib musiibadii nukliyeer ee ka dhacday wershaddii xoogga nukliyeerka ee Chernobyl, waxaa weli xaddi badan oo kaaha nukliyeerka ah laga helayaa caanaha lo’da ee degaankaasi.

Samballo laga qaaday caanaha maxalliga ah ee beeraha gobolka Rivne ee dalkaasi Ukraine, waxay ka heleen sunta ka dhalata kaaha nukliyeerka culimada sayniska ee jaamacadaha Exeter University iyo dhiggeeda National University of Life oo ay wehliyaan saynisyahanno bay’ada u dhaqdhaqaaqa.

Wuxuu shilkan laayaanka ihi dhacay 25-26-kii Abriil sanaddii 1986-kii iyadoo gebi ahaanba ay ilaa maanta haawanayso magaalo Pripyat la yiraahdo oo u dhow, balse iminka oo 3 toban sanaale ka badan laga joogo waxaa caanaha degaanka Chernobyl laga helay xaddi aad uga badan heerka caafimaad ahaan laga ogol yahay dalkaasi oo 100 becquerel liitarkiiba, (becquerel waa hal-beegga lagu cabiro radioactive-ka nukliyeerka).

Warbixin haatan lasoo saaray ayaa muujinaysa in kaaha nukliyeer ee ku jira caanaha lo’da lagu dhaqdo degaankaasi ay 4 jeer ka badan tahay xaddiga caadiga ah iyadoo ah 500 oo becquerel liitarkiiba, iyadoo caanaha noocan ah laga qaadi karo cudurka kansarka.

Mid ka mid ah cilmi baarayaasha, Dr Iryna Labunska, oo ka tirsan jaamacadda University of Exeter, ayaa rumaysan in ay arrintani u baahan tahay faragelin ka timaadda dhanka dowladda Ukraine, waayo waxay leedahay in kasta oo aysan badnayn sunta ku jirta ciidda gobolka Rivne, misna daraasaddani waxay muujinaysaa sida uu muddo dheer u waari karo dhaxalka xun ee ka dhasha shilalka nukliyeerka.

Hadalsame Media