XOG XOOR LEH: AC Milan & Monaco oo is dhaafsanaya Andre Silva iyo Radamel Falcao

0

(Milano) 08 Juun 2018 – Mediaset Premium ayaa sheegaya in AC Milan iyo AS Monaco ay u dhow yihiin inay amaah isku dhaafsadaan labada laacib ee Andre Silva iyo Radamel Falcao, waxayna arrintani qayb ka tahay sheeko todobaadyadanba soo taxnayd.

Waxayna haatan ugu dambayn u muuqataa inay labada naadi ay diyaar u yihiin inay labada laacib amaah isku dhaafsadaan, iyadoo laga yaabo inuu la socdo dookh lagu iibsan karo.

Wakiilka Jorge Mendes ayaa ah muhandiska naqshadeeyay qorshahan, iyadoo uu Andre Silva iska diidey dalab ka qaalisan oo uga yimi kooxaha Wolverhampton Wanderers ama xitaa Huddersfield.

Milan ayaa heshiiskan u aragta mid ay laba shimbir hal dhagax ku dileeyso, iyadoo heleeysa laacib waaya arag ah, isla markaana laacibka soo baxaya ee Andre Silva u heleeysa fursad uu kalsooni ku helo oo uu joogto ugu ciyaaro.

Hadalsame Media