”Reer Galbeedku nabad waxay u yaqaannaan wixii dantoodu ku jirto, qofkii diidana waa dagaal” – Andre Vltchek (Qaybtii 4-aad)

0

(Nairobi) 08 Juun 2018 – Dadka aan sidaa ugu dhuun daloolin qaaradda Afrika, Kenya waxay sanado badan saldhig boos celis ah u ahayd Imbaraaliyadda Bariga Afrika ee Britain, Maraykanka iyo xitaa Israel, waxayna ciyaaraysay door la mid ah midkii ay West Germany ciyaaraysay xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Yacni dukaan qurxoon oo laga adeegto, oo la ciirciiraya badeecooyin iyo adeegyo kala duwan. Markii hore waxaa la sheegi jirey in ay Kenya ka saa’id calayn doonto Shuuciyaddii uu tijaabinayay Nyerere-gii Tanzania.

Balse maanta, qiyaastii 60 boqolkiiba dadka Kenyan-ki waxay deggan yihiin isku raran; weliba kuwa ugu adag qaaradda Afrika, qaar ka mid ah degaannadaas sida Mathare iyo Kibera waxaa midkiiba ku nool ugu yaraan hal milyan oo qof, oo wajahaya xaalad nololeed midda ugu liidata uguna daran.

4 sanadood kahor, mar aan filim dokumenteri ah isku rarantaa ka sameeynayay, anigoo u shaqaynaya hilin laga leeyahay Koonfurta Ameerika oo la yiraahdo TeleSUR, waxaan qoray sidatan:

“…Rasmiyan, nabad baa ka jirta Kenya. tobannaan sano, Kenya waxay u shaqaynaysay sida dal macmiil uun u ah Galbeedka, oo dhaqan gelinaya nidaam dhaqaale oo ku dhisan xeerar dhib badan, iyagoo marti gelinaya saldhigyo millateri oo qalaad. Balaayiin doollar baa halkan laga shaqaystay, balse misna silaca nololeed ee halkan yaallaa kama jiro meel kale.”

Laba sanadood kahor, jeer aan filim la yiraahdo “Tumaini” ka duubayay meel u dhow magaalada Kisumu ee u dhow xuduudda Uganda, waxaan indhaha saaray tuulo dhan oo laga guuray. Dadkii deganaa waa wax ka cararay, wax u go’ay cudurka AIDS-ka iyo wax baahi u dhintay. Balse weli waxaas ayaa nabad loogu yeerayaa.

La soco qaybta 5-aad…

Waxaa Qoray; Andre Vltchek oo ah qoraa, film curiye iyo weriye dabagal sameeya oo Maraykan ah.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media