RASMI: Harry Kane oo qandaraas cusub oo waqti dheer qalinka ugu duugay kooxdiisa Tottenham

0

(London) 08 Juun 2018 – Harry Kane ayaa qalinka ugu duugay Tottenham Hotspur heshiis cusub oo lix sanadood ah, sida ay kooxdu xaqiijisay goor dhow.

Kane ayaa heshiiska uu kula jiray Spurs waxa uu ku ekaa illaa xagaaga 2022-ka, laakiin waxaa la wariyey saakay oo Jimce ahayd inuu weeraryahankan dhexe ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis cusub.

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa haatan xaqiijisay in Kane uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo ku eg illaa xilli ciyaareedka 2023-24.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan ku dhawaaqno in Harry Kane uu kooxda u saxiixay heshiis cusub oo lix sanadood ah, kaasoo tixnaan doona illaa sanadka 2024-ka” ayuu u dhignaa Bayaan ay kooxda Tottenham ku soo daabacday Website-keeda rasmiga ah.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa labadaba la la xiriirinayay Kabtanka xulka qaranka England marxaladihii dambe ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana la soo jeediyey in 24-jirkaan uu isku diyaarinayey inuu tago sababo la xiriira mushaarkiisa Tottenham oo hooseeyey.

Yeelkeede, waxaa la fahamsan yahay in Weeraryahankan haatan loo laban-laabay mushaarka uu ka qaadan jiray garoonka White Hart Lane.

Kane ayaa dhaliyey 41 gool 48 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa Tottenham intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2017-18.

Dhinaca kale Weeraryahan Kane ayaa dhaliyey 140 gool 213 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ka dhisan Magaalada London ee Spurs tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay sanadkii 2009-kii.

Hadalsame Media