QM oo warbixin kasoo saartay dagaalka Tukaraq & wadciga amaan iyo midka siyaasadeed ee guud ahaan Somalia

0

(New York) 08 Juun 2018 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa Warbixin uu soo saaray kaga hadlay doorka AMISOM ee ah in ay ku Wareejiso Ammaanka Somalia ciidamo Soomaali ah, taasoo Goluhu ku tilmaamay inay khatar ku jirto.

Dhanka kale, Goluhu wuxuu soo dhoweeyay Doorashadii sida nabada ah ku dhacday ee Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Somaaliya iyo dib u howl-gelid Baarlamaanka Federaalka.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Dowladda dhexe, Baarlamaanka iyo Dowlad-goboleedyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo goluhu warbixintiisa kaga hadlay Dagaalladii Dhawaan Dhex-maray Ciidamada Maamullada Puntland iyo Somaliland, kaasoo ka dhashay khilaafka ka jira Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in dagaalladaas la joojiyo khilaafka jirana lagu dhameeyo wadahadal iyo is-faham siyaasadeed.

Warbixinta Golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu qeexay in Dowladda Dhexe ee Somalia iyo Maamul-goboleedyada loogaga baahan yahay inay horumar ka sameeyaan Dhinacyada – Qaybsiga Awoodaha, kheyraadka, dib-u-eegista Dastuurka iyo u-diyaar-garowga Doorashada qof-iyo-codka ah ee Sannadka 2020-ka ka dhici doonta dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Walaac ka muujiyay xaaladaha bani’aamdanimo ee ka jira Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Saameynta Fatahaadaha iyagoo Beesha Caalamka ugu baaqay inay sii wadaan Taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Dabaraani Media Inc

Hadalsame Media