Xiddig ka tirsan Real Madrid oo dhaawacay saxiixa cusub ee kooxda Manchester United Fred

0

(Nyon) 08 Juun 2018 – Saxiixa cusub ee kooxda Manchester United Fred ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay tababarka xulkiisa qaranka Brazil.

Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar ayaa daboolka ka qaaday in Fred uu la dhibtoonayo dhaawac ka soo gaaray Canqowga intii lagu guda jiray tababarkii uu xulku sameynayey maanta oo Khamiis ah.

Fred, kaasoo ku biiray kooxda Manchester United ayaa loo magacaabay shaxda kama dambeysta ah ee xulka qaranka Brazil uga qeyb galaya Koobka Adduunka, laakiin 25-jirkaan ayaa haatan u muuqa mid shaki uu ku jiro ka qeyb galkiisa tartankaas.

Xiddiga khadka dhexe ee Fred ayaa la sawiray iyadoo la daweynayo kaddib markii uu dhaawacay laacibka Real Madrid ee Casemiro, Dhakhtar Lasmar ayaana soo jeediyey in Fred iyo Brazil ay waajib ku tahay inay sugaan ka hor inta aysan sameyn qiimeyn ku saabsan dhaawaca.

“Maanta Fred waxa uu dhaawac ka gaaray Canqowga, laakiin aad ayey xilli hore u tahay inaan sheego wax ku saabsan arrintaan.” ayuu Dhakhtar Lasmar u sheegay The Independent.

Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray: “Berrito waxaan eegi doonnaa waxa dhaca kaddibna go’aan ayaan gaari doonnaa haddii aan u baahannahay inaan sameyno tijaabooyin iyo haddii aanan u baahnayn, laakiin waqti xaadirkaan aad ayey deg deg u tahay inaan wax ka iraahdo arrintiisa.”

Xulka qaranka Brazil ayaa kulankooda ugu horreeya Koobka Adduunka ee ka dhacaya Waddanka Ruushka waxa ay la ciyaari doonaan dhiggooda Switzerland 17 bishaan aynu ku jirno ee June.

Hadalsame Media