Waa British, waa baloonde, waa bilicsan tahay, waana burcad! Haweenay Ingiriis ah oo tuugo ku ekeeysay Talyaaniga oo la qabtay + Sawirro

0

(Portofino) 07 Juun 2018 – Haweenay afar carruur ah leh ayaa lagu qabtay Talyaaniga iyadoo ku eedaysan inay xadaysay dooni qaali ah oo ah nooca tamashlaha oo ku fadhida £130,000 oo gini, iyadoo 4 bilood oo ay kasoo maqnayd dalkeeda Britain xatooyo ku marisay xeebaha Talyaaniga ee  Italian Riviera.

Haweenaydan oo xifrad ahaan aartiiste ah laguna magacaabo Larissa Watson ayaa la sheegay inay ka qaraabanaysay makhaayadaha laga cunteeyo, dukaamada dharka iyo hoteellada qaaliga ah, iyadoo marka loo adeego kaddib biilasha la baxsanaysay, isla markaana Facebook soo dhigaysay sawirro muujinaya sidii qof ku jira nolol heer sare ah.

Mar baa la sheegay inuu dhuumasho ku seexatay qol ka tirsan hoteel aan la magacaabin, markale waxaa lagu xirey Reggio Calabria kaddib markii la qabtay iyadoo isku dayaysay inay biilasha la baxsato, mar kale waxay sidaa oo kale ka samaysay hoteel ku yaalla La Spezia, iyadoo marti iska dhigeeysa, sida uu sheegay kabbtan Clemente.

Mrs Watson oo ay qoyskeedu sheegeen in la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ayuu kabtan Simone Clemente oo ka tirsan boliisiyo millataaraha Talyaanigu sheegayaa inay baarayaan waxa ka khaldan, markii doonidan lagu qabtay iyadoo la baxsanaysa xeebta Portofino oo u dhow magaalada Genoa ee woqooyi galbeed Talyaaniga, iyadoo ay wargaysyada Talyaanigu u bixiyeen ‘Burcad-badeedii Portofino’.

Italy Portofino pirate map_mariela.ganeva.jpg

 

Hadalsame Media