SAANSAAN DAGAAL: Millateriga Sweden oo qaaday tillaabo uusan ku dhaqaaqin muddo 40 sano ka badan + Sawirro

0

(Gothenburg) 07 Juun 2018 – Markii ugu horreeysey tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa, Sweden ayaa u yeertay dhamaanba ciidamadeeda kaydka ah oo gaaraya 22,000 – si ay u sameeyaan layli deg deg ah.

Layliyadan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ”difaac iyo midda howlgal” ee dalka Sweden, iyagoo u yeerey 40 batalyan oo ah kuwa loo yaqaanno ”ilaalada dalka”, taasoo aan dhicin tan iyo 1975-kii, waxaana layligan iyo dhoolla-tuskan millateri lagusoo beegay 6-da Juun oo ah maalinta Qaranka Sweden.

“Ujeedkeennu waa xoojinta iyo hagaajinta awooddeenna difaac iyo midda howlgal,” ayuu yiri abaanduulka sare ee Sweden Micael Byden. “Waxaannu tijaabinaynaa qaabka aannu u dumi karno kala bar habkeenna abaabul, waana wax aan dhicin tan iyo 1975-kii.” ayuu daba dhigay.

Bishii Sebtember, Sweden waxay qabatay dhoollatus millateri oo loo bixiyay Aurora 17 kaasoo ay kasoo qayb galeen ciidamo badan oo NATO ah, waloow aysan Sweden xubin ka ahayn oo ay isu aragto dal dhexdhexaad ah, kaasoo ahaa layligii millateri ee ugu ballaarnaa muddo 20 sano ah.


Hadalsame Media