Madaxwaynaha Ruushku laacibiintee u jecel yahay kubadda cagta?

0

(Moscow) 07 Juun 2018 – Waa kuwee laacibiinta uu taageero madaxwaynaha birta ah ee Ruushka ee Vladimir Putin? Ma dhowa oo wuxuu doortay goolwalihii Midowga Soofiyeeti ee Lev Yashin iyo halyeeyga kubadda cagta ee Pelé.

Hoggaanka Kremlin-ka ayaa daboolka ka qaaday arrintan mar uu la hadlayay warbaahinta Shiinaha sheegay in goolwalahan oo lagu naanaysi jirey ”caarada madoow” ee Lev Yashin uu yahay laacibka 1-aad ee uu taageero, marka ay timaaddo laacibiinta Ruushka iyo xitaa kuwii Soofiyeetka.

Halka Pelé uu ka mid yahay “xiddigaha qalaad” ee uu jecel yahay. “Waxaan sidoo kale jeclahay Maradona in badan”, ayuu raaciyay madaxwaynaha Ruushka oo ballan qaaday inuu ka wada qaybgeli doono xafladda furitaanka KA2018 ee Juun 14 iyo tan xiritaanka ee Luulyo 15.

Hadalsame Media