Ha is liidin af-qalaad aqoon ma ahane (Qalinkii Hawd)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2018 – Waa la is ku raacay soomaaliga dadkiisa Af Ingiriisi kula hadla in ay ka tahay faan uu naftiisa miskiinadda ah ku dhisayo. Tabtaas oo kale waa la isku raacay ka Carabida ku dhex lumay in ay ka tahay muujin aqoon diineed iyo xeelad uu maatada ku harawsado. Labada goorba qofka mar waa ka bareer iyo heerkiisa garasho, jeer kalena waa ka ogaan la’aan iyo afkaas oo uu ku dhadhabayo.

Yeelkeede, qof weyn oo dadkiisa af qalaad kula dhaqmaya anigu arrinkiisa wax aan u daayay gunnimo maskaxeed. wax ay sii daran tahay kolka uu yahay siyaasi, aqoonyahan ama qof kale oo bulshada saamayn ku leh tusaalana u ah. Bal malee oo dal caynkaas ah carruurta ku barbaaraysa ma la ga filan karaa in ay noqoto carruur gob ah oo afkeeda jecel? Ha ka yaabin.

Sida la ogyahay dal waliba waxa uu leeyahay dad xilkoodu yahay isu ilaalinta iyo isku adkaynta bulshada iyo wacyigelinteedan togan. Dadkaasi waa ay ka awood badan yiihiin siyaasiga, waayo siyaasigu waxa uu matalaa dano xilliyaysan, laakiin iyagu waa damiirka iyo danta wadareed ee waartada ah dadka nuucaas ah ayey ummaddeenu u baahan tahay.

Bal walaal fekerkaaga ku darso sidee looga hortegi karaa baad is leedahay weerarkan ku socda afkeena hooyo.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qore: Ibraahim Hawd.

 

Hadalsame Media