DAAWO OO KU DAYO: Dunida oo la yaab kusoo dhowaysay arrin uu sameeyay Raysal Wasaaraha Holland!!

0

(Amesterdam) 07 Juun 2018 – Raysal Wasaaraha dalka Holland ee Mark Rutte ayaa beryahan haysta hilinnada wararka tebiya ee caalamka kaddib markii uu dhulka ka nadiifiyay bun ama kafee uu dhulka ku daadiyay, isagoo aan sugin nadiifiyayaasha baarlamanka oo meesha ka dhowaa.

Bulshada caalamka oo ay xitaa ku jiraan shaqaalihii nadiifinta ugu qaybsanaa baarlamanka Holland ayaa u sacbisay bisaylka iyo jajabnaanta uu muujiyay wasiirka 1-aad ee Dutch-ka, iyagoo mas’uuliyiintooda ugu baaqay inay dhaqankaa oo kale la yimaaddaan si ay tusaale ugu noqdaan madaxdooda.

Haddaba, hoos ka eeg qaar ka mid ah fal-celinta uu dhaliyay muuqaalkan kooban oo isaga dhami soconaya 34 ilbiriqsi.


Hadalsame Media