”Reer Galbeedku nabad waxay u yaqaannaan wixii dantoodu ku jirto, qofkii diidana waa dagaal” – Andre Vltchek (Qaybtii 2-aad)

0

(Bariga Dhexe) 06 Juun 2018 Kasoo qayb galayaasha shirarkan ”nabadeed” waxay isku raacsan yihiin kaliya halkudhegyada “Nabadi waa fiican tahay”, iyo “dagaal waa xun yahay”. Waxaana intaa u raacda sacab loola istaago hadalladaasi iyo dhabarka oo la iska dhirbaaxo. Qaar baa xitaa illin iska keena.

Yeelkeede, sababaha ka dambeeya badhigyadan su’aalo ayaa ka taagan. Horta hore yaa dagaal u yeeranaya? Yaa dalbanaya rabsho lagu riiqmo, dhaawacyo ku rafaadiya iyo dhimasho? Yaa se raba magaalooyin dhulka lala simay, kuwo cidloobey, carruur ooyaysa?

Haddaba intii aannu dalal nabadi ka jirto dhegeysan lahayn, maxaannu u maqli la’nahay ”khudbadahaa nabadeed” oo kasoo yeeraya afka dalalka xornimo beenaadka haysta ee Afrika iyo Bariga Dhexe? Miyaanay iyagu ahayn kuwa silaca ugu badani haysto? Miyaanay iyagu nabadda ku riyoonaynin? Mise annagoo dhanba way naga hoos baxsan tahay sheekadu?

Saaxiibkeey, qoraa wayn oo Hindi ah iyo mufakir, Arundhati Roy ayaa qoray, sanaddii 2001, isagoo ka fal-celinayay “La Dagaallanka Argagixisadaee reer galbeedku horseedka ka yihiin: “Markii uu ku dhawaaqayay duqaynta cireed, madaxwayne George Bush wuxuu yiri, “Waxaan nahay qaran nabadeed.”

Tony Blair, oo lagu tilmaami karo danjire daacad u ahaa danaha Maraykanka, balse (jago ahaan ku magacownaa RW UK), ayaa isla kelmaddaa qaab danan oo kale ah ugu celiyay: “Waxaan nahay dad nabadeed.” Marka hadda waan oganahay. Doofaarku waa faras. Gabdhuhu waa wiilal. Dagaal waa nabad.”

La soco qaybta 3-aad…

Waxaa Qoray; Andre Vltchek oo ah qoraa, film curiye iyo weriye dabagal sameeya oo Maraykan ah.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media