Qadar oo dalbatay inay xubin ka noqoto NATO & jawaab la yaab leh oo la siiyay!

0

(Brussels) 06 Juun 2018 – Ururka Heshiiska Woqooyiga Atlaantigga ee North Atlantic Treaty Organization (NATO) ayaa gaashaanka u daruuray in ay Qadar kusoo biirto ururkaasi oo ah isbahaysi ay leeyihiin reer Galbeedku, iyagoo markii ay u dayrinayeen u sheegay inuu ururkani u dhowran yahay dalalka Yurub iyo Maraykanka oo qura.

Waxay ka jawaabayeen dalab ka yimi wasiirka gaashaandhigga Qadar oo Talaadadii soo jeediyay in ahdaafta istaraatijiga ah ee mustaqbalka ay leeyihiin ay ku jirto inay ku biiraan NATO.


“Marka la eego qodobka 10-aad ee Heshiiskii Washington, dalalka Yurub oo qura ayaa xubno ka noqon kara NATO,” ayuu yiri sarkaal u hadlay isbahaysigan oo ay ku midaysan yihiin 29-dal oo la hadlayay AFP.

“Qadar waa jaal qaali ah oo aannu muddo dheer wada shaqaynayay NATO ahaan,” ayuu sarkaalku ku maslaxay.

Warkan oo dhan baa kusoo beegmaya sanad kaddib khilaafka Khaliijka oo soo bilowday 5-tii Juun 2017 kolkaasoo ay dalalka Sucuudiga, Masar, Imaaraatka iyo Baxrayn ay xiriirka si halhaleel ah ugu jareen Qadar, wuxuuna wasiiirka gaashaandhigga Qadar ee Khalid bin Mohamed Al-Attiyah oo malaha doonayay inuu dalalkaa tuso inay Qadar horay u socotey uu shalay sheegay inay doonayaan xubinnimo buuxda oo NATO ah balse waa loo dayriyay.


Hadalsame Media