OGAYSIIS: Ha moogaanin sheekada ILLIN U JOOG oo uu soo gudbin doono Hadalsame (Qalinkii Ma’da)

0

(Hadalsame) 06 Juun 2018 – Duruufaha ku xeeran nolosha Aadamaha iyo isbed-beddelka waayaha waxay kuu dhigaan cashir iyo Mahadho lama illaawaan ah, ka fekirka wadiiqadii aad uga bixi lahayd rarankaas ka warran haddii ay kugu sii rido bohollo kale iyo dhabbo qodxo ku daadsan oo aan sahal lagu dhaafi karin?.

Haddaba Sheekadan ILLIN U JOOG! ma ahan mid aan si laab-lakac ah Qalinka ugu qaatay, kuma lihi waa xaqiiqa jirta mana ahan dhallanteed ee waa mid aan waayo joogeyga kaga macaashay nuxurka qisada iyo xaqiiqooyinka ay xambaarsan tahay, taasoo markii aad si fiican u dhuuxdo gun iyo baar ay dhinac kuu jiidan doonto, adigoo maanka iska dhahaya Tolow ma dhab-baa mise?

waa dhacdo maqaal kugu ah Dulmi iyo daandaansi dunidan kama dhamaato, godob iyo gardarro leyska galaana gar baa loo arkaa, inkastoo busho wada xumi aysan jirin haddana
waxaa kasoo dhax baxaya Sheekada shaqsiyaad garab iyo gaahaan u ah kuwa lagu xadgubay.

Sheekada ILLIN U JOOG! waxaa macno iyo muuno u sii yeelaya dhaxalka aan la mahdin ee ka dhasha Furriinka Qoysaska aan ka fiirsashada lahayn, haddii aad hantiile tahay sidey mararka qaar haadaan kaaga tuureyso hantidaada iyo Adduun iyo Aakhiro seegga ay leedahay dayacaadda Ubadka labadii iska dhalay dhabarka is tusiyeen.

Sida magaca sheekada ka muuqataba ILLIN U JOOG! waa gabar da’dii labaatanaadka lugaha lasii galeysa oo laabteeda ka heshay iney lixaadkeeda ku adeegato si ay lib iyo abaal uga hesha labadii waalid ee korriimadeedii lahaa, laakiin markey magaaladii lugta soo saartay nasiib darro la kowsatay Lur iyo Rafaad aysan mudan.

War la qabaa xiiso ma lehe ha moogaan Sheekada ILLIN U JOOG! oo uu kusoo iyadoo qayb qayb ah kuusoo gudbin doono warsidaha Hadalsame.com, nuxurkeedana ka sal gaar.

Waxaa Qoray: Maxamed Abuukar Ma’da

Hadalsame Media