Ka bogo jilayaasha & dadka caanka ah ee qaatay diinta Islaamka! (Qaybtii 3-aad)

0

(Mumbai) 05 Juun 2018 – Dalka Hindiya waa dalka dunida ugu diimaha badan iyo halka ay ku aasaasmeen diimo badan oo haatan dunida looga dhaqmo oo ay ka mid yihiin Hinduism, Buddhism, Sikhism iwm. Haddaba aannu sii dhiraandhirinno sheekada qaybteeda 3-aad.

DHARMENDRA: Dharmendra (oo ku dhashay Dharam Singh Deol) wuxuu ka mid yahay jilayaasha abid ugu burjaawisanaa sineemada Hindida. Jilaagan ayaa la sheegayaa inuu diinta Islaamka qaatay 1979-kii, waase arrin la yaab leh.

Jilaaga ayaa isagoo qaba Prakash Kaur wuxuu jacayl xad dhaaf ah u qaaday Hema Malini mana doonaynin inuu furo xaaskiisii hore, balse sidoo kale ma guursan karin xaas labaad, sida uu qabo xeerka guurka dalkaasi ee Hindu Marriage Act.

Sidaa darteed, wuxuu qaatay diinta Islaamka si uu u guursado Hema, wuxuuna sidaa ku yeeshay laba qoys, waxaa la sheegaa inay dheceen dibed baxyo lagu diiddan yahay falka atoorahan, balse uma joojinin oo waxaa u muuqatey Hema Malini, mase cadda inuu ku dhaqmo diinta Islaamka.

AYESHA TAKIA AZMI: Sanaddii 2009, Ayesha Takia waxay guursatey wiil ay isku cindanaayeen oo  Farhan Azmi oo makhaayadle Muslim ah, waxayna isku guursadeen nikaaxa Islaamka 1-dii Maarso.

Warbaahinta Hindiya ayaa werisey in Ayesha oo uu dhalay aabbe Hindu ah iyo hooyo ay iska dhaleen Hindi iyo Ingiriis (Anglo-Indian) ay qaadatay diinta Islaamka, balse iyadu abidkeed ma rumaynin mana beeninin warka sheegaya inay Muslintay.

La soco qaybta 4-aad….

Hadalsame Media