RASMI: Leroy Sane oo laga reebay Liiska 23-ka xiddig ee xulka qaranka Jarmalka uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018

0

Waxaa la shaaciyey xiddigaha kama dambeysta ah oo xulka qaranka Jarmalka uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018 ee bartamaha bisha ka furmi doona dalka Ruushka.

Macallinka xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Low ayaa ku dhawaaqay liiska 23-kiisa xiddig ee uu u soo xushay inay kala qeyb galaan sanadkan Koobka Adduunka.

Arrinta dad badan ka yaabisay ayaa ah in liiskan laga waayey xiddiga dhallinta yar ee u ciyaara kooxda Manchester City ee Leroy Sane, kaasoo gabi ahaanba aan lagu soo darin xulka Jarmalka ee Koobka Adduunyada.

Macallin Low ayaa markii hore waxa uu shaaciyey 27-ka ciyaaryahan ee horudhaca ah, balse haatan waxa uu ka saaray liiska afarta ciyaaryahan ee kala ah Leroy Sane (Man City), Jonathan Tah (Bayer Leverkusen), Bernd Leno (Bayer Leverkusen) iyo Nils Petersen (Frebiurg).

Haddaba halkaan hoose ka eeg 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Jarmalka uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018:-

Goolhayeyaasha: Marc-André Ter Stegen (Barcelona), Kevin Trapp (PSG), Manuel Neuer (Bayern).

Difaacyada: Jerôme Boateng (Bayern), Matthias Ginter (B. Mönchengladbach), Mats Hummels (Bayern), Joshua Kimmich (Bayern), Antonio Rüdiger (Chelsea), Jonas Hector (Colonia), Niklas Süle (Bayern), Marvin Plattenhardt (Hertha).

Khadka Dhexe: Leon Goretzka (Schalke), Toni Kroos (Real Madrid), Sami Khedira (Juventus), Mesut Özil (Arsenal), Ilkay Gündogan (Manchester City), Julian Draxler (PSG), Sebastian Rudy (Bayern).

Weerarka: Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Timo Werner (RB Leipzig), Thomas Müller (Bayern), Mario Gómez (Stuttgart), Marco Reus (B. Dortmund).

Hadalsame Media