MUQDISHO: Ciidamo wata dharka ciidamada dowladda oo xeelad cajiib ah dadka ku dhacaya (Arrin la yaab leh)

0

(Muqdisho) 04 Juun 2018 – Arrintan oo ka dhacday xaafad ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa Hadalsame uga warramay qof ka mid dadkii ay qabsatay.

Burcad tuutaysan ayaa maalin cad soo garaacay guriga reerkan oo ku yaalla degmada Huriwaa, iyagoo dadkii guriga iskugu sheegay inay yihiin ciidamo hub baaraya, balse markii ay gudaha soo galeen waxay baarasho ugu dhaqaaqeen guryihii reerka.

Qofka aannu arrintan ka waraysannay ayaa sheegay in ay tuugadan ciidamada iska soo dhigay gebagebeeyeen xaafaddii iyagoo qaatay dahab, telefoonno iyo lacag caddaan ah, waxayna ku baxsadeen mooto Bajaaj ay wateen sida uu qofku noo sheegay.

Arrintan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka haysta dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho oo marar badan dhexda u gala haliso kala daran, iyadoo meelo kale laga soo sheego ciidamo wata dharka ciidanka oo dadka ku baarta jidadka.

Hadalsame Media