Leroy Sané oo labo sabab dartood ku waayey booskiisa xulka qaranka Jarmalka ee Koobka Adduunka 2018!

0

Xulka qaranka difaacanaya Koobka Adduunka ee Jarmalka ayaa ka tagay Sane, kaasoo aan xulkiisa uga qeyb gali doonin Koobka adduunyada.

Kaddib markii 22-sano jirkaan uu u ciyaaray 12 kulan xulka Jarmalka isla markaana uusan u dhalin wax gool ah, inkastoo uu hal tartan oo caalami ah kala qeyb galay xulka Jarmalka oo ah Euro 2016 ayaa haatan laga saaray liiska xulka qaranka Jarmalka ee sanadkan ka qeyb galaya Koobka Adduunka.

Macallinka xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Low ayaan wax shaki ah gelinin tayada wiilkan da’da yar ee Sane, inkastoo laga saaray 23-ka ciyaaryanan ee xulka qaranka Germany uga qeyb gaadanaya sanadkan Koobka Adduunka.

Haddaba waxaa la sheegay in Sane uu labo sabab dartood ku waayey booskiisa Koobka Adduunka 2018 ee xulka qaranka Jarmalka:-

1- Isagoo Sane aan door weyn ku lahayn kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Jarmalku soo ciyaaray, tiiyoo ay jirto in kulamadaas qaar bedel lagu soo geliyey ciyaarta isla markaana uusan sameynin bandhig aad u wacan.

2- Sane waxa uu sanadkii hore dhaawac ku seegay Koobkii FIFA Confedrations Cup kaasoo ahaa fursaddii ugu qaalisanayd ee xiddiga kooxda Man City uu isku soo bandhigi lahaa, waxaana fursaddaas ka faa’iideystay Timo Werner, Julian Brandt, Leon Goretzka, Sebastian Rudy, Matthias Ginter, Niklas Süle iyo Antonio Rudiger, kuwaasoo dhammaantood xulka qaranka Jarmalka kala qeyb galaya Koobka Adduunyada.

Leroy Sané ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2017-18 waxa uu tartammada oo dhan ciyaaray 49 kulan waxaana uu dhaliyey 14 gool isagoo sidoo kale sameeyey 19 gool caawin.

Sané waxa uu xilli ciyaareedkaas 2017-18 ku guuleystay Koobabka Premier League & League Cup, isagoo sidoo kale hantay abaal-marinta da’yarka sanadka ee PFA Young Player of the Year.

Hadalsame Media