DHEGEYSO: Qayladhaan ka timid boob ku socda hantida danta guud! (Iskuul & suuq lagu kala baxay!)

0

(Muqdisho) 04 Juun 2018 – Waxaa sanadihii dambe soo noqnoqanayay ku takri-falka hantida danta guud ee shacbiga ka dhexeeya oo gacanta loo gelinayo hay’aad iyo dad gaar ah si ay dano gaar ah ugu fushadaan.

Haatan waxay qayladhaani ka timid dugsiga Howlwadaag oo la sheegay in lagu wareejiyay dad gaar ah, taasoo ay aad uga gilgilanayaan dadka degaanka oo sheegay inaysan aqbali karin in iskuul dan guud ah loo bedelo dan gaar ah, iyagoo baaq u diray madaxda dare, Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka intaba.

Waxaa sidoo kale jira warar hoose oo sheegaya in dad gaar ah lagu wareejinayo suuqa Ceel Garwayne oo hoos yimaada iska degmada Howlwadaag, waxaa sidoo kale jira hanti dan guud ah oo sanadihii nidaam la’aanta ah galay gacmaha dad gaar ah oo aan weli kasoo bixin iyo kuwo daaha gadaashiisa ku wareejiyeen dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray sanadihii dambe.

Hoos ka dhegeyso warka odayaasha xaafadda.

Hadalsame Media