Pentagon oo markii ugu horreeysey qirtay waxyeellooyin ay ciidamadiisu gaysteen (Somalia oo ka mid ah)

0

(Washington DC) 03 Maajo 2018 – Waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon ayaa qirtay in howlgallada millateri ee uu Maraykanku ka wado 6 dal lagu diley dad rayid ah oo ku dhow 500 oo qofood sanaddii 2017 oo qira.

Pentagon ayaa arrintan ku baahiyay warbixin sanadeed uu baahiyay Jimcihii, waxaana dalalka ay dhibaatooyinkaasi ka dheceen lagu sheegay Afghanistan, Iraq, Syria iyo Yemen. Iyadoo uu Pentagon-ku sheegay in aanu warar la isku halleeyn karo ka helin waxyeelooyinka la midka ah ee ka dhacay dalalka Libya iyo Somalia, waloow ay ku jiraan dalalka ay howlgallada ka fuliyaan.

Pentagon ayaa sheegay in ay dileen 499 rayid ah iyagoo dhaawacay 169 qofood, iyagoo aan dal dal u kala saarin tirada dal waliba ku waxyeelloowdey ee dhibanayaasha ah.

Waxaa la sheegayaa inay weli qiimayn ku sameeynayaan 450 rayid ah oo dheeraad ah oo ay dhibaatooyin ku soo gaareen Ciraaq iyo Suuriya, iyagoo sheegay in maaddaama aan xogta saxda ah meelaha qaar laga heli karin ay ka dhigan tahay in ay waxyeelladu intaa ka badan thay.

Yeelkeede, waa markii ugu horreeysey ee uu Pentagon soo saaro tirada dad rayid ah oo ay dhibaateeyeen ciidamada millateriga Maraykanka ee dunida ku sugan, taasoo jawaab u ah dalab cusub oo ka yimid koongarayska Maraykanka 2018.

Hadalsame Media