Ka bogo jilayaasha caanka ah ee qaatay diinta Islaamka! (Qaybtii 1-aad)

0

(Mumbai) 03 Maajo 2018 – Dalka Hindiya waa dalka dunida ugu diimaha badan iyo halka ay ku aasaasmeen diimo badan oo haatan dunida looga dhaqmo oo ay ka mid yihiin Hinduism, Buddhism, Sikhism iwm.

Dimaha dalkaasi looga dhaqmo waxaa ka mid ah diinta Islaamka, iyadoo ay boqortooyin Islaam ihi sida Mughals ay muddo dheer xukumayeen meelo badan oo ka mid jasiirad u eka Hindiya. Haddaba aynu eegno 8 qof oo caan ah oo u badan dhanka jilliinka oo qaatay diinta Islaamka.

A.R. RAHMAN (ALLAH-RAKHA RAHMAN): Ninkan oo caan ku ah curinta muusigga isagoo heeso badan muusig saaray wuxuu markii hore ahaa Hindu. Iyadoo hooyadii ay kasoo jeeddey qoys Suufiyiin guurka ka hor.

Ilaa uu markii dambe la kulmo Qadiri Islam, markii ay aad u xanuunsatay walaashii ka yar, markaasoo looga qiseeyay quruxda iyo qiimaha Islaamka. Kaddib wuu ku qancay wuxuuna qaatay diinta Islaamka.

MUHAMMAD YOUSUF: Waa mid ka mid ah laacibiinta ugu caansan ciyaarta cricket-ka Pakistani iyadoo markii hore la oran jirey Yusuf Youhana wuxuu qaatay Islaamka isagoo magaciisa u rogey Muhammad Yousuf. Ninkan oo ka mid ah laf-dhabarta dabaqadda dhexe ee Pakistan wuxuu diinta qaatay Islaamka qoorqooraystay 2005 intaa wixii ka dambeeyayna wuxuu ahaa nin si saaxi ah ugu dhaqma diinta Islaamka.

La soco qaybta 2-aad…

Hadalsame Media