BAYAAN LAMA FILAAN AH: NATO oo sheegtay inaysan u gurman doonin Israel haddii ay ku duusho Iran!

0

(Brussels) 03 Juun 2018 – Gaashaanbuurta NATO waajib kuma aha inay usoo gurmato Yuhuudda haddii ay lacalla dagaallamaan Iran iyo Israel, sida uu Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg u sheegay warsidaha Jarmanka ah ee Der Spiegel, xilli ay sii xooganayso xiisadda ka dhex oogan labadan dal ee ku xafiiltama Bariga Dhexe.

“Israel jaal baannu nahay, balse ka mid ma aha xulufada NATO. Sidaa darteed Qodobka 5-aad ee damaanad qaadka amaan ma khuseeyo Israeil,” ayuu yiri hoggaamiyaha NATO ee Jens Stoltenberg oo la hadlayay wargayskaasi.

Qodobka 5-aad ee NATO ayaa dhigaya in haddii lasoo weeraro dal ka mid ah NATO ay taasi ka dhigan tahay weerar lagu qaado xubnaha ururka oo idil, balse ma khuseeyo dalalka ”jaalka” la ah balse aan xubnaha ka ahayn isbahaysigaa caskariga ah.

Stoltenberg ayaa intaa raaciyay in NATO aysan qayb ka ahayn dadaallada nabadeed ee Bariga Dhexe iyo xitaa khilaafyada ka taagan gobolka. “Taasi shaqadeenna ma aha,” ayuu hoosta ka xarriiqay.

Wuxuuse ka il duufay in NATO ay sanadkii tegey uun ku biirtay isbahaysiga uu Maraykanku hoggaaminayo ee sheegay in ay dalalka Ciraaq iyo Suuriya kula dagaallamayaan argagixisada IS, isla markaana ay garab siinayaan jabhaadka ku kacsan Suuriya.

Hadalsame Media