Iidheh ay samaynayaan Messi & Neymar oo cambaarayn aan caadi ahayn la kulantay! (Maxaa lagu qoonsaday?)

0

(Moscow) 02 Juun 2018 – Iidheh loo sameeynayo hay’adda bixisa kaararka lacagta lagu qaato ee Mastercard ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaysa baraha bulshada, kaddib markii ay sharikaddani sheegtay inay 10,000 oo qof oo carruur ah ay quudin doonto markasta oo ay gool dhaliyaan laacibiinta Lionel Messi iyo Neymar.

Aragtidaas ayaa lagu tilmaamay ‘yaqyaqsi’ waxayna dadka dhaliilsani daliishadeen in markasta oo uu goolwale kubad ka badbaadiyo laacibiintaasi in goolwalahaasi si toos ah mas’uul uga noqonayo inuu qado ka hor istaagay carruur qaajaysan oo macluulsan.

Iidhehdan oo soconaysa ilaa 2020, ayaa bilaabmaysa marka uu bishan bilowdo KA2018 oo lagu qabanyo dalkaasi Ruushka, waxaana kaalmada la bixinayo loogu tala galay carruurta Latin America iyo Caribbean-ka.

Bayaan kasoo baxay Mastercard ayaa u akhrismaya: “Gool kasta oo uu dhaliyo Lionel Messi (isagu wuu soo dhoweeyay) ama Neymar ilaa Maarso 2020, Mastercard waxay ku yaboohi doontaa inay 10,000 oo carruur ah quudiso iyadoo sii marinaysa World Food Programme si loola dagaallamo baahida carruurta iyo macluusha Latin America iyo gasaa’irka Caribbean.”


Hadalsame Media