DAAWO: Nin middi maqar oo kale ah wata oo maanta sas ku ridey mujtamaca London + Sawirro

0

(London) 02 Juun 2018 – Nin ku hubaysan middi wayn oo cayrsanaya mid kale oo gaari ku jooga ayaa heehaabaya baraha bulshada, iyadoo uu shilku ka dhacay bartamaha magaalada London jeer ay saxmadda gaadiidku ay aad u badnayd.

Kaamirada ku xiran gawaarida ee Dashcam ayaa qabatay muuqaalka wiil dhallinyaro ah oo 19-jir lagu sheegay oo watey gaari yar oo Volkswagen Polo ah jidka cariiriga badan ee Croydon, kaasoo gaariga ku dhufan gaarey ninka middida wayn sitey oo baaskiil ku jooga isagoo markiiba lasoo baxay middi dherer badan oo ilaa 10 inch ah, wax u muuqdey cayrsi horay usii socdey.

Dadkii jidka marayay ayaa daawanayay ninka middida wayn wata oo daaqadaha iyo gadaalba ku garaacaya daabka middida si uu gudaha usoo galo, ilaa uu markii dambe si halhaleel ah gaariga ugasoo boxo wiilkii yaraa.

Weerrarada noocan ah ee inta badan middiyaha loo adeegsado ayaa sidii cudur saf mar ah ugu fiday London, ilaa haatanna waxaa naftooda ku waayay ilaa 43 qofood sanadkan oo qura.

Hadalsame Media