Booliiska Soomaaliya oo lagu taageeray gaadiid casri ah oo loogu talagay ka hortaga qaraxyadda: Sawiro

0

(Moqadisho) 02, Juun, 2018 – Dowladda Talyaaniga ayaa ku wareejisay ciidamadda Booliiska Soomaaliya qalab casri kaas oo loogu tagalay in looga hortago qaraxyadda.

Taliyeha Booliska Soomaaliya Jen: Bashiir Cabdi Maxamed oo saxaafadda  kula hadlay Moqdisho Sabtigii ayaa sheegay in wax badan iska bedeli doonaan habka looga hortago qaraxyadda iyo falalka kale ee amniga la xariira ee ka dhaca dalka gaar ahaan Caasimada Magaaladda Muqdisho.

Taliyaha ayaa kaga mahadceliyey Talyaaniga taageeradooda.

Qalabkaan casriga ah oo ka kooban Gaadiidka nuuca loo yaqaano BMW ayaa la filayaa in wax badan uu ka bedelo shaqada ciidanka Booliiska Soomaaliya oo aan heysan qalab ku filan oo ku hawlgalaan.

Talyaanigu waxaa uu ka mid ah dhawr dal oo taageero dhaqaale iyomid  farsamo siiya dowladda Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu ka mid yahay dalalka Midawga Yurub ugu fir-fircoon marka ay timaado taageerada ay siinayaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hadalsame Media