Safaaraddii Soomaaliya ku lahayd Jarmanka oo ku sugan xaalad cabsi leh lana dumin rabo + Sawirro

0

(Bonn) 01 Juun 2018 – Kaydiyaha reer Jarman ee nachhaltige-fotografie.com ayaa si naxdin leh wax uga qoray safaaradda Soomaaliya ee Jarmanka oo haatan noqotay guryaha lagu jilo aflaamta cabsida, wuxuuna warkiisa u qoray sidatan:

Marka aad gasho gurigan diblomaasiyadeed oo ah fillo la cidleeyay waxay farriin toos ah ka bixinaysaa dal aan jirin, taasoo ay ula jeedaan Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Jarmanka ayaa la cidleeyay sanaddii 2000, sababtuna waxay ahayd danjirihii xilligaas ee Xasan Abshir Faarax iyo xoghayihii safaaradda ee Abdirazak Mohammed Hersi oo xilligaa lagala noqday aqoonsigii ahaa inay yihiin wakiillo metelaya Somalia.

Kaydiyuhu wuu sii hadlayaa oo wuxuu yiri; Tan iyo markii la ridey nidaamkii kali taliska ahaa, Soomaaliya kama jirin dowlad si saaxi ah u shaqeeynaysa taasoo ay ugu wacnayd dalka oo galay dagaal sokeeye.

Wixiise ka dambeeyay 2012 oo dastuur cusub la anxisiyay, waxaa jira gobollo federaal ah oo hoox taga Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya (awal Jamhuuriyadda Soomaaliya). Si kastaba safaaradda cusub ee dowladda federaalku waxay haatan ku taallaa Berlin, halka ay middani ku taallo caasimaddii hore ee Jarmanka Galbeed ee Bonn.

Safaaraddan ayaa xitaa mar ku sigatay inay gubato, balse waxaa ka gaarey dab-damiska oo dabkii baqtiiyay 29/10/2014.

Hadda waxaa lagu tala jiraa in la dumiyo maaddaama aanay cid gacan ku haysa, waxay se dowladda Soomaaliya heli kartaa fursad ay ku badbaadiso oo si qunsuliyad looga dhigo.

Halkan ka daawo sawirro tira badan oo naxdin leh….

 

Hadalsame Media