Muqdishooy sidan waad ku dabar go’aysaaye is daba qabo!

0

(Muqdisho) 01 Juun 2018 – Waxaan caawa daawaday Muuqaal Naxdlin, Argagax iyo Murugo xambaarsan oo ay soo bandhigtay Warbaahinta Al-Kataa’ib ee taageerta Ururka Al-Shabaab.

Waxaan daawaday Odayaal garcad ah oo Madaxa laga tooganayo ,Dhalinyaro nooc kasta leh oo maqaaxi fadhiyaan oo jawi degan ku jiro Bistoolad inta lala soo dul istaagayo weli si kalsooni leh nafta la dhaafinayo.

Waxaa intaasi ka sii daran marka ay dilka fulinayaan waxaa ay duubayaan Muuqaal Video ah.

Waxaan ka yaabay marka ay kooxdaasi dilka fulineyaan waxaa goobta buuxa dad tiro badan oo nooc kasta leh oo aan wax falcelin ah sameyneynin.

Waxaa meesha igaga soo baxday Sedex arrin oo kala ah

1. In Hay’addaha Amaanka ay gabeen guud ahaan Mas’uuliyada loo igmaday iyo Ilaalinta Nabad Galyada Magaalada.

2. In Shacabka laftirkooda aysan Diyaar u eheen in dhibta laga baxo oo ay la shaqeeyaan Hay’addaha Amaanka, iskana qabtaan cid oo fidno wadayaal ah.

3. In Nimankan cida kasta ay u baahdaan in saacad kasta ay dili karaan hadii anan la helin wada shaqeyn adag oo dhex marta shacabka iyo Ciidanka Amaanka.

Alow alle—– pray for Mogadishu

Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media