CIR-BIXIYEEN MUSHTAAQ: Gabar Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaysa inay u dhoofto hawada sare!

0

(Columbus) 01 Juun 2018 – Mushtaaq waxay ku nooshahay magalada Columbus, ee gobolka Ohio waxayna wax ka barataa Jaamacadaha Columbus, waxay qorshaynaysaa in ay aaddo hawada sare ama dayaxa dhankiisa ayada oo raacaysa hay’adda NASA ee ka shaqaysa howlagallada hawada sare ee Mareykanka.

Waxay ku soo wareejiyeen rugta loogu diyaar garoobo aadidda hawada sare wax laga tusay xaruntooda waxayna geliyeen rajo qurux baddan oo ku dhiirigelinaysa in ay waxbarashadeeda idlaysato hamigeedana ka dhabayso si ay u noqoto cir-bixiyeen.

“Waxaan ahay Maraykan, Waxan ahay gabar, Waxan ahay Muslim, Waxan ahay Madow hadana Soomaali ah, waan cibaadeystaa, walaal waxana ahay xubin ka mid ah Jaaliyadda, aniga oo ah gabar yar ayaan saacado baddan ku bixin jirey eegida dayaxa iyo sidii aan ku tagi lahaa anoo riyadayda ku hanweeynaa” ayay tiri xili ay ka sheekaynaysay waxa ku dhaliyay inay arrintan ku hamido.

HOOS KA DAAWO….

Hadalsame Media