Isku aadka Tartan lagu bixin doono shan kun oo doolar oo la soo saaray (Heegan Vs Dekedda,Horseed Vs Elman)

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2018 –Tartanka Star League oo ay ka qayb qaadanayaan lix kooxood ayaa la soo saaray isku aadkiisa,waxaana ka soo baxay kullamo aad u adag.

Koobkaan oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa waxaa lagu anxiyay shirkii sanadlaha ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya 2017.

Horseed iyo Elman oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan aad u wayn ayaa lagu furi doonaa iyadoo ciyaartaas ay dhici doonto  20-7-2018.

Dhamaan kooxaha ka qayb qaadanaya tartan ayaa is wada arki doona iyadoo ay ku guulaysan doonto naadigii ugu dhibca badnaataa.

Dekedda,Banaadir,Heegan,Horseed,Elman iyo Jeenyo ayaa ah kooxaha xaqa u yeeshay in ay tartankaan ka qayb qaataan mahadaama ay noqdeen lixda naadi ee ugu saraysay horyaalkii soo dhamaaday ee Somalia Premier League.

Kooxdii tartanka ku guulaysataa waxa ay la guddoon siin doonaa lacag gaaraysa shan kun oo doolar sida uu sheegay C/qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Hadalsame Media