”Dhaawaca Mohamed Salah wuxuu ahaa ciqaab Alle” – Sheekh Mubarak al-Bathali

0
Soccer Football - Champions League Final - Real Madrid v Liverpool - NSC Olympic Stadium, Kiev, Ukraine - May 26, 2018 Liverpool's Mohamed Salah looks dejected as he is substituted off due to injury REUTERS/Andrew Boyers

(Kuwayt) 31 Maajo 2018 – Jookarka Masriga ah ee Mohammed Salah ayaa Sabtigii ku dhaawacmay ciyaartii dhamaadka UEFA Champions League ee ay Real Madrid 3-1 uga badisay Liverpool oo uu laacibku garabka uga dhaawacmay, balse wadaad Kuwayti ah ayaa sheegay in dhaawicii uu nus saac kaddib ku baxay Saalax uu ahaa ciqaab Alle.

Wadaadka oo la yiraahdo Mubarak al-Bathali ayaa Twitter kusoo qoray in sida uu yiri uu Ilaahay uu dhaawaca ku ciqaabay laacibka Liverpool maadaama uu ciyaar darteed u soon furay.

Sida uu sheegay wadaadku, Saalax ayaa soon furkiisa ugu qiil samaystay inuu musaafur yahay, balse taasi waxaysan u shaqaynayn maaddaama uu ujeedka safarku ciyaarta yahay.

“Ilaahay baa ciqaabay, culayskana isagaa qaadi doona. Yay kula noqonin in Muslimku aaminsan yahay in ay nolosha maamusho sabab iyo dadaal, balse noloshu waxay ku jirtaa awoodda Ilaahay wuuna u imanayaa qofkii uu doono, xitaa si adag oo aan debecsanayn,” ayuu wadaadku ku yiri Twiter-ka.

“Dabcan dhaawacani wuu kuu fiican yahay,” ayuu daba dhigay Al-Bathali.

 

Soccer Football – Champions League Final – Real Madrid v Liverpool – NSC Olympic Stadium, Kiev, Ukraine – May 26, 2018 Liverpool’s Mohamed Salah looks dejected as he is substituted off due to injury REUTERS/Andrew Boyers

 

Hadalsame Media