Baraha bulshada Maraykanka oo ku maadsanaya kulankii Trump & Kardashian

0
(Washington DC) 31 Maajo 2018 – Twitter ayaa la shidmay warka ku saabsan kulanka xafiiska Ukunta ah ee Aqalka Cad ku dhexmaray Kim Kardashian West iyo madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump — iyagoo laye ka wada hadlay dib u habaynta xabsiyada Maraykanka.

Gabadha Kardashian West ayaa Trump lasoo qaadday ayeeyada 63-jirka ah ee Alice Marie Johnson oo xabsi daa’in ku mudatay, isticmaalka daroogo aan halis ahayn sida la yiri.

Johnson ayaa durba soo liqday in ka badan 20 sano waxaana la fahamsan yahay in Kardashian West ayay muddo arrintaa kala hadlaysay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner si cafis loogu raadiyo haweenaydaa xabsiga ku gabowdey.

Hadaba, bulshada Maraykanka ayaa arrintan ku jeesjeesay iyagoo Twitter-ka kusoo qoray in haatan ay “Maraykanka xukumaan” xiddigihii shoowyada tv-yada sida Kardashian iyo Trump laftiisa, iyagoo sheegay in ay wax lagu qoslo tahay in aysan arrin sidan xasaasi u ah aysan ka wada hadlaynin khubaro aqoon u leh.

Hadalsame Media