Afar Macalin Oo La Hadal Hayo Iney Real Madrid U Badali Doonaan Zinedine Zidane & Wenger Oo Ugu Horreeya

0

Real Madrid ayaa weysay xubin muhiim ah, waxaana shaqada ka tagay Zinedine Zidane oo sadexdii fasal ee ugu dambeysay u hogaamiyay iney ku guuleysato koobka horyaalada yurub, wuxuuna go’aankaan kusoo aadayaa xilli shan maalmood oo qura laga joogo markii ay Kiev ku dileen Liverpool.

Haddaba durba waxaa dhashay warar xiiso leh oo ku saabsan cidda badali doonta Zinedine Zidane kaas oo shaqada si lama filaan ah uga tagay.

Warbaahinta Spain waxey durba hadal hayaan afar tababare oo ay macquul tahay iney ka badalaan shaqada ninkii reer France ee sida layaabka leh kooxda uga tagay.

1. Arsene Wenger

2. Mauricio Pochettino

3. Joachim Low

4. Antonio Conte [Hadii la ceyriyo]

Afartaan tababare ayaa si weyn loo hadal hayaa sidoo kale waxaa jirta xan sheegeysa iney macquul tahay in la tijaabiyo José María Gutiérrez Hernández (GUTI) kaas oo hadda gacanta ku haya kooxda yar-yar ee Madrid.

Shaqadaas waxaa suuragal ah in loo dhiibo Xabi Alonso oo isna talaabada ugu horreysa ee dhanka macalinimo ay u noqon doonto.