AC Milan oo arkatay weeraryahan hor leh! (Weerayahannada ay doonayso)

0

(Milano) 31 Maajo 2018 – Weerarka RB Leipzig ee Timo Werner ayaa sida lasoo werinayo wuxuu kusoo biiray taxa laacibiinta ay daba taagan tahay kooxda AC Milan, sidoo kale Ciro Immobile.

Gonzalo Higuain ayaa ah dookh kale, waase haddii ay iibinayso Juventus, balse Gazzetta dello Sport ayaa qoraya inay markan qooraansnayso qannaaska Werner.

Yeelkeede, kulligood waxay ku kacayaan qiyaastii €70m, sidaa darteed waa inay Milan sugtaa waxa ay ka mudan karto xeerka dhaqaale wanaagga UEFA Financial Fair Play oo aan weli lagu kala bixin.

Haddii lacalla Rossoneri loo diidey heshiis xeer jajab ah waxaa laga saari karaa Europa League, taasina waxay hoos u dhigaysaa hanka suuqeeda, iyadoo markaa abbaari karta laacibiin heer dhexaad ah sida Simone Zaza.

Hadalsame Media