Wiilkii cunugga yar badbaadiyay oo ay laba dal isku haystaan (Madaxwaynaha Mali oo farriin soo diray!)

0

(Paris) 30 Maajo 2018 – Waxay bulshada Faransiiska iyo baraha bulshada caalamkuba ay aad u hadal hayaan wiil lagu naanaysay Ninkii Caarada oo haatan qaatay dhalashada Faransiiska kuna biiray dab-damiska dalkaasi kaddib markii uu badbaadiyay wiil yar oo 4-jir ah oo kasoo dhici rabey balkoone sare.

Yeelkeede, wiilkii mar ahaa qaxooti aanay cidina garanaynin oo ku dayacan jidadka Paris ayaa waxaa haatan isku haysta dalka uu kasoo jeedo iyo dalka uu dorraad dhalashadiisa qaatay.

Mamoudou Gassama ayaa waxaa casuumey dan-jiraha Mali u fadhiya dalka Faransiiska, halkaasoo uu ugu dhiibey farriin rasmi ahayd oo ka timid madaxwaynaha Mali oo Gassama ka codsaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa si loogu biiriyo ciidamada qalabka sida ee dalkaasi, gaar ahaan kuwa xoogga.

Wiilkan oo markii horeba duruuf dhaqaale darteed ugasoo cararay dalkiisa Mali ayaan la ogayn inuu taa aqbali doono, maaddaama uu haatan ku jiro tababar ku aaddan dab-damiska Faransiiska oo 8 jeer ka mushahar badan midka dalkiisa saboolka ah ee Mali.

Hadalsame Media