Warar dheeraad ah oo kasoo baxay wacaalka Amiirka la la’yahay ee MBS (Boqor Salmaan oo qalqiil galay)

0

(Riyaad) 30 Maajo 2018 – Shakiga ku hareereeysan wacaalka wiilka sugaya dhaxalka boqortooyada Sucuudiga ee  Mohammad bin Salman (MBS), ayaa weli halkiisii taagan, iyadoo ay wiilkan 32-jirka ah oo lagu sheegay isbeddel doon farta ka xiran oo aad ugu janjeera una dhego nugul danaha reer Galbeedka aan warkiisa la maqal tan iyo 12-kii bishii Abriil oo uu kulan la yeeshay boqortooyada Spain.

Sida ay wararka qaar sheegayaan, ninka 2-aad ee ugu awoodda badan xayndaabka boqortooyada Sucuudigu wuxuu ku dhaawacmay afgembi dhicisoobey oo ka dhacay agagaarka qasriga boqortooyada ee Riyaad, halka ay wararka qaar ayba sheegayaan inuu weerarkaa ku dhintay.

War aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Boqor Salmaan loola cararay dhufays dhulka hoostiisa ah oo u dhow xero millateri oo ay Maraykanku leeyihiin iyaguna xukumaan.

Todobaadkii tegey, warside reer Iran ee Kayhan ayaa qoray war tibaaxaya in ay heleen xogo sir ah oo u socdey dal Carbeed oo aan la carrabaabin, warkaasoo loogu sheegayay in Amiirka ay haleeleen laba xabbadood isla markaana uu geeriyoodey.

Si kastaba, war ku dhow boqortooyada ayaa sheegaya inuu Amiirku dhowaan si rasmi ah ula hadli doono warbaahinta, taasoo xitaa haddii ay dhacdo aan shaki bixinaynin dadka aaminsan inuu dhaawacmay, maaddaama uu ahaa nin aad uga muuqan jirey shaashadaha warbaahinta.

Hadalsame Media