SAWIRRO: Halkee jirey aabaha dhalay muluqii uu badbaadiyay wiilka reer Mali? (Sheeko la yaab leh oo soo baxday!)

0

(Paris) 30 Maajo 2018 – Dacwad ooge ku sugan Paris ayaa daboolka ka qaaday in aabaha wiilka yaraa ee 4-jirka ahaa ee uu badbaadiyay wiilka Mamoudou Gassama uu ku maqnaa ciyaar iyo dukaamaysi.

Gassama ayaa dalka Faransiiska geesi looga arkaa kaddib markii uu kaligii u guntadey badbaadinta wiilka yar oo ilbiriqsiyo u jirsadey inuu soo dhoco, balse aabaha wiilkaa yar ee hooyadii ka fog tahay ayaa la sheegay inuu dukaamaysi jirey isla markaana jidka ku ciyaarayay ciyaar-gacmeedka Pokemon Go.

Dacwad oogaha Francois Molins ayaa kaddib markii uu amaan u jeediyay wiilka 22-jirka ah ee asal Mali-ga ah wuxuu u sheegay hilinkan BFM TV in wiilka yar ay hayaan qoys kale isla markaana ay dhowaantan qorshaha ku jirtey in loo geeyo hooyadii oo ku nool jasiiradda Reunion Island ee dhacda Badwaynta Hindiya.

Aabaha wiilka ayaa xabsiga ah waxaana su’aalo waydiinaya booliiska kaddib shilkaa naxdinta lahaa. ‘Aabuhu in yar kahor ayuu guriga ka baxay si uu usoo dukaamaysto, wuxuuna deeto jidka kusoo ciyaarayay game-ka Pokemon Go taasoo waqti kale ka cuntay.’ ayuu yiri Mr Molins.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ay jirto dayacaad ballaaran, maaddaama uu ka tegey daaqadda iyadoo furan isla markaana aanu balkoonuhu lahayn dayr badbaado oo ku filan, wuxuuna aabbaha oo aan magaciisa la shaacin maxkamadna lasoo taagayo Sebtember ku dhici kara xukun ah 2 sano oo xabsi ah, marka la eego xeerka Faransiiska uga degsan xanaannada carruurta.

Wiilka reer Mali ayaa waxaa qaabiley madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo siiyay dhalasho, billad geesinnimo isla markaana siiyay shaqo rasmi ah oo ah inuu ku biiro guutooyinka dab-damiska dalkaasi.

Hadalsame Media