Goolhayaha Liverpool Loris Karius Oo Helay Fariimo Hanjabaado Iyo Habaar Isugu Jira Kadib Bandhig xumadii Kiev.

0

Goolhayaha Liverpool Loris Karius ayaa helaya hanjabaado kaga imaanaya jamaahiirta kadib markii uu qaab ciyaareed aan loo adkeysan soo bandhigay kulankii ugu muhiimsanaa nolosha kooxdiisa ee fasal ciyaareedkii dhamaaday.

Loris Karius ayaa sabab weyn u noqday in Liverpool ay guuldaro kasoo qaadatay Real Madrid kulankii ka dhacay Ukraine kulan ku dhamaaday 1-3, markaas oo uu sameeyay laba qalad oo waaweyn.

Goolka furitaanka ee Karim Benzema iyo goolka quusta ee Gareth Bale ayuu gacan weyn oo qalad ah ku lahaa, sidaas darteed wuxuu helay hanjabaado iyo fariimo habaar ah kuwaas oo ka yimid jamaahiirta Reds ee qalbigooda gubanayo.

“Waan dili doonaa jaceylkaaga, waxaan doonayaa inaan dilo” ayaa loo soo qoray.

“Caruurtaada waxey u qalmaan iney Kansar u dhintaan”

“Qoyskaaga oo dhan ha dhintaan” ayaa la yiri Loris Karius.

Booliska gobolka Merseyside ayaa bilaabay baaritaan ay doonayaan iney ku sameeyaan arintaan iyagoo qaadi doona talaabo ay ku badbaadinayaan Loris iyo qoyskiisa.