Abramovich oo arrrin la yaab leh darteed u qaatay baasaboorka Israel

0

(Tel Aviv) 29 Maajo 2018 – Mulkiilaha kooxda kubadda Cagta Chelsea ee Premier League-ga ka ciyaarta ayaa qaatay dhalashada Israel ka dib markii dawladda UK cirriiri ka galisay dal ku galka.

Abramovich oo asal ahaan Yuhuud ah wuxuu meel mariyey qaanuunka xaqa soo laabashada ah oo ah sharci qof kasta asalkiisu uu Yuhuud yahay uu ku dalban karo muwaadinimo, sidaasina wuxuu ku noqday qofka reer Isael ah ee ugu taajirsan maadama hantidiisa lagu qiyaaso 8.6 bilyan oo lacagta Ingiriiska ah.

51 jirkan oo hantida uu ku maalgaliyey UK ay dhan tahay 2 bilyan oo pound ayaa dalkiisa Ruushka dib ugu laabtay ka gadaal markii ay ka dhacday dal ku joogii uu ku deganaa UK, markii uu damcay in uu cusboonaysiistana wuxuu la kulmay caqabad iyo in laga daahiyo Visaha.

Abromovich ayaa ka maqnaa kulankii kooxdiisa Chelsea kaga guulaystey Manchester United koobka FA-ga 19-kii bishan.

Lama oga hadda in uu heli doono dal ku galka, waxaana arrintan ay ku soo adaaysaa iyadoo xiriirka UK iyo Raashiya uu marayo meel aad u xun ka dib sumeyntii Koonfurta England loogu geystey nin horey uga tirsanaa basaasiinta labada wadan.

Xigasho: Mowlid H Abdi

 

Hadalsame Media